Ciidan xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Hawlgal ay ka fuliyeen Gobolka Galgaduud ku beegsaday fariisimo iyo goobo Al-shabaab ay ku sugnaayeen oo ku dhow magaalada Ceelgaras, waxaana lagu diley seddax kamida dagaalamayaasha kooxdaas, sida lagu sheegay war qoraal oo ay soo saartay dowladdu.
Ragga howlgalka lagu diley ayaa waxaa kamid ah nin lagu magacaabo Mirre Cagdheer, sidoo kale waxaa lagu dhaawacay 6-kale oo ay ku jiraan guddoomiyihii degmada Ceelgaras oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Salmaan iyo Madaxii Maaliyadda ee deegaanka oo asna magiciisa lagu sheegay Jabriil.
Dhowaan ayay ahayd markii howlgal midkaan la mid ah oo ay ciidanka deegaanka ka fuliyeen degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, la sheegay waxyeello lagu gaarsiiyay kooxda.