Ayadoo dhowaan xeebta magaalada Boosaaso lagu arkay tobanaan kamid ah noolaha oo loo yaqaanno Homboborada, kuwaas oo badda ka soo caaryay ayay dowlad goboleedka Puntland sheegtay inay arrintaas baarayso.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland ayaa lagu yiri  “Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland waxay hawlgalisay khuburada culuumta iyo noolaha badda oo ay kamid yihiin saynisyahanadda Jaamacadda Bariga Afrika iyo Jaamacadda Citycote ee Boosaaso.

Advertisement

Sidoo kale, waxaa hawshaan ka qayb qaadan doona Wasaaradda Deegaanka iyo Isebedelka Cimilada Dowladda Puntland”.

Wasaaradda ayaa dhinaca kale dadweynaha uga digtay inay cunaan noolahan badda ka soo caaryay ee aan la garanayn sababta tirada sidaas u badani isku marka u dhinteen, ka dibna biyuhu xeebta ugu soo tuureen.

Si kastaba ha ahaatee xog rasmi ah laga hayo sababta keentay in tirada badan ee noolahani ay sidaas u dhammaadaan, balse waxaa jira shaki laga muujinayo in sun badda lagu shubay ay dhacdadan horseeday.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here