Siyaasiga Cali Yare Cali ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay waxqabadka Taliyaha sirdoonka Qaranka Soomaaiyeed C/llaahi Sanbaloolshe oo nasiib u yeeshay sedex muda xileed inay sedex Madaxweyne ku wada aaminaan xilka hay’ada sirdoonka Somalia.
Hadaba qoraal uu Siyaasi Cali Yarre Cali ku soo koobay wax-qabadka Sambaloolshe ayaa sidan u qornaa:-
Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) maalinkii NISA loo magacaabay ilaa hadda oo aan qoraalkaan qorayo oo ay saacadda caasimadda Rusia ee Moscow ii tahay 19:40 wuxuu jiifaa dhulka howdka ah ee u dhexeeya Hiiiraan iyo Shabeellada dhexe, wuxuuna majaraha hoggaanka hadda u hayaa dagaal kula jiraa cadowga.
• Sidii Sanbaloolshe loo magacaabay ma dhicin hal weerar oo cadowgu ku qaadaan xeryaha ciidanka halkii isaga hortiis 10 maalmood kasta xero ciidan la weerari jiray, ciidanka la gumaadi jiray, gaadiidkana lala wadaagi jiray xogta sirdoon ee cadowga oo aan ciidanka lala wadaagi jirin darteed.
• Sidii Sanbaloolshe loo mahacaabay Muqdisho waxay weeraradii cadowga ka nabad gashay taariikh ahaan muddaddii ugu dheereeyd ee caasimaddu qaraxyo ka nasato.
• Sanbaloolshe muddadii uu magacoownaa wuxuu dilay wasiirkii arrimaha gudaha ee Khawaarijta Mujrim Maxamed Mire horayna markii uu ahaa NISA wuxuu dilay hoggaamiyihii Khawaarijta Mujrim Ahmed Godane.
• Muddadii koobneeyd ee uu Sanbaloolshe jiigay wuxuu dhulka la simay shabakadihii Khawaarijta ee iyaga oo maqaayadaha nagala khaxweynaya na qarxin jiray
• Sidii Sanbaloolshe loo magacaabay ma jirto shirkad soomaaliyeed oo ay NISA baad waydiisatay waxaana nabad galay shirkaddii dalka ugu weeyneeyd ee Horumuud oo markii hore halis u gashay in ay istaago shaqadeeda markii ay NISA dharaar cad gaadiid tikniko ah ku weerartay xarumaheeda, liiska cunaqabateeynta ku dartay qaar madaxdii kamid ahaa, qaarna Kenya lagu xiray.
• Sidii Sanbaloolshe loo magacaabay hoggaanka dalka oo ka nastay dacwadii saacadlaha aheyd ee NISA.
• Waxaa intaas wehlisa inuu Sanbaloolshe gacanta dowladda ku sol celiyay xeryihii ciidamada ee Baladweyne 35 sano kadib
• Safafkii dagaalka oo uu mideeyay maanta khawaarijta 5 goobood oo Hiiraan ah dagaal looga qaadayo saacadaha nagu soo fool leh, isaguna si shaqsi u jooga furinta
• Sanbaloolshe waxqabadkiisa taariikhuhu xusi doonaan waxaa kamid ah nabadeeynta beelaha Xawaadle dhexdooda, reer Hiiraan iyo Reer Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.
Taariikh ahaan, Sanbaloolshe waa soomaaliga kali ah ee saddex jeer, saddex dowladood oo isku xigta, ay saddex madaxweyne saddex jeer u wada magacaabeen agaasimaha nabad sugidda iyo sirdoonka.
Nin halgan ku jira, hiil mooyee, hadal kale ma mudna.
Sanbaloolshe, nin sokeeyihihiisa iskudabba ritay, mideeystay, si muuqata matalaadiisa u muujiyay, qaranka u hagar baxay, soomaalina saaxiibo badan ku dhex leh.
Horta qaab aan aheeyn in Sanbaloolshe la weeraro soo Maahir ballan looguma qaban karo haddii madaxweynuhu diiday inuu qaabilo isaga oo Qaahira la jooga?