Wasiirka Difaaca Somalia C/qaadir Maxamed Nuur iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaarey magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaa oo uu kaga qeyb galay munaasabadda ay ku qalin jebiyeen 17 arday oo soo dhameystay tababar ciidan oo kala duwan, kuna soo biiraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo dowladda Qatar uga mahad-celiyay tababarka dhallinyaradaan Soomaaliyeed ayaa ugu hambalyeeyay ardaydan Soomaaliyeed guusha ay gaareen iyo dadaalka ay muujiyeen muddadii ay tababarka ku jireen.
Advertisement
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in dhallinyaradaan ay ku soo biiri doonaan saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo qeyb lixaad leh ka qaadan doona dadaallada dib u xoreynta iyo difaaca Dalka.
Advertisement