Agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe ayaa fagaare ku yaala deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan kula hadlay boqolaal ka tirsan ciidamada deegaanka oo loo diyaariyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Taliyaha ayaa u sheegay ciidamada deegaanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle in markaan ay u diyaar garoobaan howlgal aanan laheyn wax xaduud ama sero ah oo looga harayo Al-shabaab.
“Waxaan idiin sheegaya inaad u diyaar garowdaan dagaalka dalka looga xureynayo cadawga, waliba waxaan doonaya inaad gashaan dagaal aanan xaduud laheyn oo meshi iyo geedkii ay galaanba cadawga aad uga daba gashaan, ma jirto wax la yiraahdo seradaan reer hebala dego ma gali karno, majirto wax la yiraahdo Bari, Qoraxsin, Galbeed iyo Koonfur waa in laga daba tago meel walba oo ay tagaan cadawga” ayuu yiri Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe.
Agaasime Sambaloolshe ayaa sidoo kale ku amaanay ciidanka deegaanka macawiisleeyda Xawaadle iney ku amaanan yihiin kacdoonkii dalka ka bilaawday ee dhulka baaxada leh looga xureeyay Al-shabaab.
“Waxaa tihiin dad tusaale u ah Soomaali weyn oo tusay in cadawga layska dhicin karo guulo la taaban karana kasoo hooyay dagaaladii aad la gasheen khawaarijta, hada waxaa la idinka doonaya in markale aad gashaan howlgalkii ugu dambeeyay ee cadawga looga xureyn laha meelaha kale oo ay uga harsan yihiin dalka” ayuu yiri Taliye Sambaloolshe.
Ugu dambeyntii Agaasimaha NISA ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool goobaha ay joogaan Al-shabaab iney isaga soo tagaan si aysan waxyeelo uga soo gaarin dagaalada culus ee ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee markale ka bilaabaya guud ahaan dalka.