Magaalada Jigjiga Xarunta Dowlad-Deegaanka Soomaalida waxaa ka jirta shidaal yari saameyn taban ku reebtay wadayaasha Gaadiidka si gaar ah Mootooyinka Bajaajta oo aad looga isticmaalo Magaaladaas, waxa ay Darawallada kaxeeya dalbadeen in lasoo farageliyo.
Waxa ay wadayaashu sheegeen in ay saf dheer u galaan kaalmaha shidaalka oo xiliyada qaar ay dhacdo in ay waayaan Baasiinkii ay safafka waqtiga badan ugu jireen, taasi ayay ku sifeeyeen in ay leedahay caqabad shaqo la’aan iyo niyad soo wajahda.
Ganacsato ka faa’iideysaneysa culeyskaas suuq ee jira ayaa billaabay in si qarsoodi ah ay u iibiyaan Basiinka iyaga oo dhaqaale ka dhex raadinaya, balse maamulka Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa ku hanjabay in ay kahortagayaan suuqaas madow.
Xafiiska Ganacsiga ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in la raadinayo xalka looga gudbi karo culeyska ka jira helista Basiinka oo Gawaari badan ay ku shaqeeyaan, dhibaatada ugu weyn waxa ay ku dhaceysaa Wadayaasha Bajaajta.