Agaasimihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay qoraal uu kaga hadlay kan wanaagsan Madaxweyne Xasan Sheekha hada xilka haya iyo isla Xasan Sheekhii teeramkiisii hore.
Fahad Yaasiin wuxuu qormadiisa ciwaan uga dhigay maxay ku kala duwan yihiin Xasan Sheekhii (2012/2017) iyo Xasan Sheekha (2022/2026)?”
Mar uu isla Fahad Yaasiin ka jawaabayay wuxuu sheegay in Xassan Shiikha hada dalka xukuma uu yahay kan saxda ah ee maamul ahaan iyo damiir ahaanba wanaagsan.
“Xasankii hore waxaa qarinayey saaxiibo, cabsi iyo faham yari dowlanimo uu la noolaa.” ayay ahayd jawaabta Agaasimihii hore ee NISA
Agaasime Fahad Yaasiin wuxuu sidoo kale ka hadlay ka aamusnaanta Xasan Sheekh ee Dagaalka Puntland ay kula jirto Kooxda Daacish waana su’aashiisa labaad.
Xassan Skeeh wuxuu u arkaa Puntland meel ka fog maskax ahaan iyo masaafo ahaan, sidaas darteed dhib iyo dheef midna ma dareemo waxa ka dhacaya Puntland,
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM