Muqdisho, 22 January 2025: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Keydka Daawada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in mashruucaan uu qeyb ka yahay mashaariic dhowr ah oo lagu horumarinaayo adeegyada aas-aasiga ah kuwaasi oo wax tar u leh bulshada, asigoona u mahadceliyay Hey’adda Qatar Charity oo gacan ka geysaneysa fulinta mashruucaan.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Madaxa mashaariicda Hey’adda Qatar Charity Mudane Cabdicasiis Jaasim, Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—May be an image of 5 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 3 people, newsroom and textMay be an image of 6 people and suitMay be an image of 2 people and textMay be an image of 3 people, people studying and daisMay be an image of 10 peopleMay be an image of 5 people and suitMay be an image of 11 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here