Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Qaahira Xarunta Dalka Masar, halkaas waxa uu kula kulmi doonnaa dhiggiisa Cabdifitaax Al-Siisi si ay uga wadahadlaan xaaladda labada Dal, Xiriirka & arrimo kale.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dalka Switzerland ayaa isla maanta u gudbaya Magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Advertisement

Waxaa indhaha lagu hayaa waxyaabaha ay diiradda saari doonnaan Madaxweyne Xasan Sheekh & Cabdifitaax Siisi, miiska waxaa saaran howlgalka ciidanka AUSSOM oo Masaarida door ka qaadanayo, heshiiskii iskaashiga Amniga iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan is faham hoos loogu dhigayo xiisaddii Itoobiya la gaaray Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, Xukuumadda Qaahira oo xurguf kala dhaxeyso Addis Ababa ayaa xoogga saartay cilaaqaadka ay la wadaagto Muqdisho

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here