BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in Booliiska Maamulka Koofur-Galbeed uu gacanta ku dhigay tahriibayaal u dhashay dalka Itoobiya kuwaasoo rabay inay u saraan Dalka Liibiya.
Taliyaha Booliiska Magaalada Baydhaba Gaashanle Mukhtaar Axmed ayaa sheegay in tahriibayaasha ay qabteen ay yihiin 5 dhalinyaro ah kuwaasoo markii ay xogtooda heleen iyo halka ay gaariga ka raaceen ay ka soo qabteen sedex ka mida deegaanka Yurkud oo 20KM u jira Magaalada Bardaale ee Gobolka Geddo halka labada kale lagu qabtay Degmada Luuq.
Taliyaha wuxuu sheegay inay la xiriireen mamulka Degmada Luuq si gacantooda loo soo geliyo tahriibayaasha Baydhaba ka baxay kuwaasoo marinkoodu ahaa inay Sudan sii maraan ilaa liibiya laga geeyo.
Taliyaha wuxuu sheegay koox isku xiran oo tahriibka ka shaqeeya ay ka danbeeyaan dadkaan mar kasta la tahriibinayo.
“sida xoolaha loo kala gato ayaa dadkaan tahriibkooda looga shaqeystaa”ayuu yiri Taliyaha
Sarkaalkaan wuxuu ku amray gaadiidleysa ineysan qaadi karin kooxaha tahriibata ee waalidkoodna laga yaabo ineysan raali la ahayn.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM