Muqdisho, Talaado, 21 Janaayo 2025 – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi Ay Hogaaminayso Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Finland, Ms. Mari Rantanen, oo booqasho rasmi ah ku timid Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Finland, gaar ahaan dhinacyada amniga. Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaana ka wada hadlay qorsheyaal lagu horumarinayo nabadgelyada, maareynta socdaalka, iyo sidii loo ballaarin lahaa taageerada farsamo ee dowladda Finland ay siiso Soomaaliya.
Intii uu kulanka socday, Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa uga mahadceliyey Finland taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya. Wasiirku waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo horumarinta hay’adaha amniga, isagoo si gaar ah u tilmaamay baahida loo qabo wadashaqeyn dheeraad ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo la dagaallanka argagixisada.
dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Finland, Ms. Mari Rantanen, ayaa caddeysay sida ay dowladdeeda uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, iyadoo ballanqaaday in Finland ay sii xoojin doonto xiriirka dhinacyada amniga iyo maareynta socdaalka. Waxay si gaar ah u adkeysay in dowladdeedu ay diiradda saari doonto horumarinta awoodda hay’adaha amniga ee Soomaaliya.May be an image of 2 people and daisMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 3 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here