BAARDHERE (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo Magaalada Baardheere ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya in halkaasi maanta ay ka dhacday is rasaaseyn taasoo u dhexeysa ciidamada Magaalada dhexdooda.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalkaani uu ka dhashay xiisad maalmihii ugu danbeysay ka taagneyd masuul garoonka dhawaan loo magacaabay taasoo uu muran ka dhashay.
Wararka qar ayaa sheegaya inay is hayaan mareeyihii garoonka iyo Madaxa maaliyadda garoonka Baardhere.
Sidoo kale waxaa jira xiisado kale oo siyaasadeed oo magaaladaasi laga soo sheegayo walina si rasmi ah looma oga cida ay u dhexeyso dagaalka ama is rasaaseynta maanta ka dhacday gudaha Magaalada Baardheere.
Laba ruux ayaa la soo sheegayaa inay ku dhaawacmeen is rasaaseyntaasi kuwaasoo goobaha caaimaaka la gaarsiiyay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement