Donald Trump ayaa markii labaad loo dhaariyo xilka madaxweynaha Mareykanka, asagoo noqanaya madaxweynayaasha 47-aad ee dalkaas, waxaana caleemo saarkiisu ka dhacay magaalada Washington DC.
Trump ayaa sheegay inuu waxqabad baaxad leh ku dhaqaaqi doono, asagoo carrabka ku adkeeyey inuu dagaalka Ukraine muddo 100 maalmood ah ku soo afjari doono, tillaabooyin kaloo cad cadna uu qaadi doono.
Dunida ayaa isha ku wada haysa tillaabooyinka uu qaadi doono ninkan looga bartay go’aamada qar iska tuurnimada ah, wuxuuna horay ugu hanjabay inuu Mareykanka ka nadiifin doono dadka soo galootiga ah ee aan sharciga haysan, sidoo kalena uu dalkiisa ku soo biirin doono jasiiradda Greenland iyo gacanta Panama oo uu sheegay inuu xittaa awood ciidan u adeegsan doono.