MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Magaalada Mudisho laga daah-furey shirka dhismaha Guddiga Hubinta Tayada iyo Kormeerka Badqabka Kalluunka Soomaaliya.
Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Dowlada Somalia ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirro, xildhibaanno, xubno ka socda bahda kaluumeysiga, iyo wakiillo ka socda hay’ado caalami ah.
Xukuumada Soomaaliya ayaa qorshaheedu yahay dhismaha guddi si rasmi ah u kormeera tayada kalluunka, badqabka cunistiisa iyo horumarinta kuwaasoo dhamaantood loo marayo habraacyada hubinta tayada kalluumeysiga Soomaaliya.
Shirkaan la daa-furey ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal lagu horumarinayo warshadaha kalluumeysiga Dalka.
Wasaarada Kaluumeysiga waxay xustay inay diiradda saarayaan ilaalinta tayada iyo badqabka kalluunka.
Sidoo kale waxay xuseen in talaabooyinkaan loo qaadayo si loo hubiyo in uu u qalmo suuqyada gudaha iyo in loo iib geeyo dibadda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement