XARARDHEERE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xiisad ay ka taagan tahay magaaladaasi kadib markii askari dil ku eedeysnaa uu xabsiga ka baxsaday.

Akariga baxsaday ayaa la sheegay inuu ku eedeysnaa dilka askari kale oo isna ciidamada Dowlada Somalia ka tirsanaa.

Advertisement

Ehalada askariga hore loo dilay ayaa la soo sheegayaa inay aad uga caroodeen baxsashada askariga loo hayay dilka wiilkooda taasoo keentay xiisada hada ka taagan Xarardheere.

Maslax Macalin Cilmi oo ka tirsan maamulka Degmada Xarardheere ayaa u sheegay idaacada Shabelle in eedeysanaha uu ka baxsday saqafka kore ee xabsiga islamarkaana ay ku raad joogaan sidii ay dib ugu soo qaban lahaayeen.

“aduunka xabsi aan laga baxsan ma jiro, balse ciidamada milateriga iyo kuwa deegaanka ayaa ku daba jira gacan dhiiglaha waxaana la rajeynayaa insha allaah inuu gacanta ciidamada soo galo”ayuu yiri masuulkaasi u hadlay maamulka Xarardheere.

Maslax Macalin wuxuu sidoo kale sheegay in mudo 15 sano uusan xabsigu helin wax dayactir ah islamarkaana laamiyeerigiisa iyo alwaaxdiisuba ay bolol noqdeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here