BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Maamulka Magaalada Booaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa saaka waxay katarabiil ku bur buriyeen goobo ganacsi oo ku yaalay suuqa ciriiriga badan ee Boosaaso.
Goobahaan Ganacsi ayaa si sharci daro ah waxay u soo galeen laamiiga suuqa Boosaaso oo awalba ahaa mid saxmad badan xili kuwa tukaamada ka dhex dhistay laamiga ay uga sii dareen.
Advertisement
Waxaa adkaatay isku socodka dadka suuqaasi ka tukaameysta iyo waliba gaadiidka taasoo soo jeedisay maamulku inuu talaabo qaado.
Ciidamada minishiibiyada iyo kuwa booliiska ee Boosaaso iyo madaxdii horkaceysay ayaa sida sawirada ka muuqata waxay hogaaminayaan howlgalka burburinta ganacsiga sharci darada ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement