Madaxweynaha Dalka Turkey Recep Tayyip Erdoğan ayaa la sheegay inuu dhawaan ku soo wajahan yahay Magaaalada Muqdisho ee casdimada dalka Somalia halkaasoo lagu wado in si weyn loogu soo dhaweyn doono.

Warar la xiririra habka soo dhaweyntiisa iyo saameynta uu ku yeelan doono isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa sheegaya in Muqdisho xaalad adag gali doonto imaanshaha Madaxweynaha Turkey oo talaabada koowaad ay noqon doonto in cir,dhul iyo bad-ba loo xiri doono oo aysan jirin wax Muqdisho soo galaya iyo wax ka baxaya maalintaasi.

Advertisement

Sidoo kale gudaha caasimada Xamar gabi ahaanba wax dhaq dhaqaaq ah ma jiri doonaan haday dad tahay iyo hadey gaadiid tahay intaba taasoo qeyb ka ah qorshaha Dowlada si amniga Madaxweynaha Turkey loo xaqiijiyo walow ciidamo qaas ah uu wato.

Sugida amniga hawada iyo dhulkaba waxaa qeyb weyn ka qaadan doona ciidamo qaas ah oo Turkish ah madaama ay heystaan qalab badan oo aysan heli karin ciidamada Somalia.

Imaanshaha Madaxweynaha Turkey ayaa ka dambeysa balan qaad la sheegay inuu sameeyay shirkii Ankara ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Somalia taasoo ahayd inuu dhamaadka bishaan Janaayo 2025 uu booqasho ku tagi doono dalalka Itoobiya iyo Somalia.

Racap Dayip Ordogan waxaa lagu wadaa inuu booqdo xarumaha ciidamada Turkey ee Muqdisho iyo Madaxtooyada Somalia oo dhawaan turkigu dib u dhis ku sameeeyeen.

Booqashada Recep Tayyip Erdoğan ee Somalia ayaa noqoneysa markii 3-aad madaama uu xili Maxaxweyne Shariif u yimid abaarihii Somalia ka jirey sidoo kale xiligii hore ee Madaxweyne Xasan ayuu u yimid dib u furitaankii Garoonka diyaaradaha iyo Dekada kadib dib u dayic tir iyo casriyeyn Turkigu ku sameeyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Madaxweyne Erdogan oo Muqdisho ka degay - BBC News Somali

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here