Agaasimihi hore ee nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ama Twiter wuxuu kaga hadalay sirta ka dambeysa guul darooyinka Dowlada Somalia ka soo wajahay  dhaka Axmed Madoobe.

Qoraalka Fahad Yaasiin ayaa sidan u qornaa:-

Advertisement

RUNTA KHARAAR: Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe Waxaan maqli jiray, war hebeloow labada orod mid daa! Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Axmed Madoobe la dagaalo iyo inuu la heshiiyo midna kartideeda ma lahan, marka labada orod midkood ha daayo.
Cudurrada qaarkood hadaadan iska daaweyn karin waxaa jira kaniiniyo loo qaato si aad ula noolaato xanuunka. Runta kharaarka badan waxay tahay, Madoobe waxaa maanta garab siinaya saddex dowladood oo Madaxweyne Xasan Sheekh dano dhaqaale oo shakhsi ah uu ku qabo labo kamid ah. Qof baahan uma caroon karo qofka uu gacanta u hoorsado.
Nabad iyo colaad waxaa hadeer dhaw nabadda. Dowladdii horaba markay aragtay xaalka waxay aqbashay iney xanuunka la noolaato. Ceeb waxaa ah inaad si joogto ah darbiga madaxa ugu sii garaacdo.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here