MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya ayaa maanta si degdeg ah u yeertay safiirka Kenya u  fadhiya Somalia kadib markii ay soo baxday in diyaarad qaas ah maanta Kismaayo ka qaaday Axmed madoobe islamarkaana geysay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.
Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya waxay Safiirka Kenya u gud-bisay warqad cabasho ah oo ku saabsan safarka Axmed madoobe madaama Dowladu hore dacwad uga gudbisay Axmed madoobe.
Dowlada Somalia waxay si gaar ah uga cabaneysaa xad-gudubka ay kenya ku soo xad-gudubtay hawada Somalia, iyadoo dansatay raadaarka diyaarada.
“Tallaabadii sharci darada aheyd ee diyaarad laga leeyahay Kenya ay ugu soo xadgudubtay hawada Soomaaliya, iyadoo dansatay raadaarka oo ay ku qaaday shaqsi eedeysane ah oo Maxkamad ay dacwad ku soo oogtay” Sida lagu yiri warqada cabashad ah”ayaa lagu yiri warqada wasaarada arimaha dibada.
Safiirka waxaa la hor dhigay dal ahaa  inuu muddo kooban jawaab uga keeno Dowlada uu matalo sababta ay ku dhacday in diyaarad Kenya laga leeyahay ay qaado Axmed Madoobe oo Dowlada xageeda eedeysane ka ahaa.
Dowlada Somalia ayaa sharci daro ku tilmaamtay talaabada Kenya ku garab siisay Axmed Madoobe uguna ogolaatay diyaaradaheeda inay qaadaan sidoo kale uu tago dalkooda xili ay xanibaad saartay Dowlada Somalia.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here