MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhaqan galay amar aan hore saxaafada loola wadaagin kaasoo si gaar ah loo dul dhigay dhalinyarada ku shaqeysata Mootada sedexda lugood leh ee loo yaqaan Bajaajta.

Ciidanada amaanka Muqdisho ayaa laga war helay iyagoo mootooyinka kala degaya sameecaraha waaweyn ee gadaal u saaran taasoo ay Music inta badan ka shitaan.

Advertisement

Warar ku dhaw dhaw Hay’adaha amniga ee Dowlada ayaa sheegaya in sameecadaha ay ka qeybqaadan karaan amni darada Magaalada sidaas looga mamnuucay inkastoo aysaj si rasmi ah u shaacin.

Darawalada qaarkood oo warbaahinta wareysatay ayaa ka cabanaya amar aan hore loogu wargelin oo ay si degdeg ah uga war heleen.

Darawlada hadlay waxay sidoo kale ka canteen in sameecadaha loo diidan yahay ay shaqadooda ku socotay islamarkaana rakaabka qaarkood mootooyinka raacinba hadii aysan sameecar lahayn.

Dhanka Taliska Booliiska Somalia iyo Nabad sugida midkoodna kama hadlin cabashada bajaajleyda.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here