Taliska Ilaalada Xeebaha Boliiska Soomaaliyed iyo Markabka Dagaalka SANTA MARIA F-81 ee Howlgalka Midowga Yurub ee Atlaanta ayaa wadajir u fuliyey Tababar kor loogu qaadayo Fulinta Sharciga Badda iyo kobcinta awoodda ilaalinta sharciyada badda ,waxaana uu ka qabsoomay gudaha Biyaha Soomaaliya .
Ciidamada ilaalada Xeebaha ee Boliiska Soomaaliyeed ayaa loo diyaariyey ka jawaabista xaaladaha Deg dega ah , la dagaalanka Kalluumaysiga Sharci darada ah , ka hor tagga Burcad badeeda iyo sugidda amniga marinada maraakiibta Ganacsiga Caalamiga ah.
Advertisement
Saddex Doonyood oo nooca hawlgalada ah iyo diyaarad Helicopter ah ayaa lagu fuliyey Tababarkan oo sidoo kale kor loogu qaadayey xirfadaha Saraakiisha ilaalada Xeebaha ee Boliiska Soomaaliyeed.
Advertisement