Kuxigeenka Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐣𝐚𝐦𝐚𝐚𝐥 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐢𝐥 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝, ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho shir muhiim ah oo socon doona muddo shan maalmood ah. Shirka waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐞𝐞𝐫 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝.
Ujeedka shirkan ayaa ah in la gorfeeyo 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐛-𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐝𝐚-𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 ee labada heer. Arrintan waxa ay ka soo baxday shirkii sanadlaha ahaa ee labada dhinac ay yeesheen sanadkii hore, iyada oo qayb ka ah istiraatiijiyadda Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS.
Waxaa la filayaa in shirka laga soo saaro heshiis rasmi ah oo dhinacyadu ay wada saxiixaan, kaas oo qeexaya habka wada-shaqaynta labada heer. 𝐖𝐚𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 ayaa door muhiim ah ka ciyaaraysa isku-xirka doodaha iyo soo bandhigidda fikradaha ka qaybgalayaasha inta uu shirku socdo.
Shirkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa wada-shaqaynta iyo hufnaanta hay’adaha hantidhowrka, si loo xaqiijiyo mas’uuliyadda iyo daahfurnaanta la xiriirta maamulka kheyraadka dowladda.