Xildhibaan Yuusu Xuseen Axmed (Gamaa-diid) oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u radiyay qoraal dhawaan uu baraha bulshada ku baahiyay Wasiirka arimaha dibada Somalia Axmed Macalin Fiqi.
Xildhibaankaan ayaa hadaladiisa oo sarbeeb u badnaa wuxuu ku weeraray wasiirka wuxuuna gaarsiiyay heer uu ku tilmaamo xayawaan nuuca bahalada ah ah.
Qoraalka Xildhibaankaan oo uu ku soo bandhigay bartiisa facebook ayaa sidan u qornaa:-
Ninna caadidii ma daayo, bahalna cayrin cun ma daayo.
Shalay dadkii uu ku tilmaamay Ayax iyo in ay ka soo baxeen jaamacadaha Musuqa ayuu maantana uyahay la adeejiye dadka u caaya (Lapdog) sidaasna uu xil magac uyaal ah isaga haysto, berrina hadduu noolyahay waxaad arki doontaan asigoo shaqa ka codsanaya dadka uu maanta ku dheganyahay, bal ka jawaabidda Ciidan iyo doorasho maxaa ka galay. Waxaan maqli jiray “Dameero awdalan ninkii ooda ka qaadaa arooriya”.
Kuwa ku jira riyo maalmeedka ee ku hadaaqaya Doorasho 1qof & 1cod ah, ma oga miyaa in doorashada Dal dimaquraaddi ah in ay leedahay mabaadii la isku raacanyahay, waana in Hannaanka iyo hay’adda fulineysaba ay isla ogolyiihiin inta ay quseyso, si nataajada la’isula ogolaado. Hogogaanka dalka kuma immaanin sida kii 1969kii, mana joogno 1976kii.
Advertisement