BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Abaaro iyo xaalado bini adanimo ayaa laga soo warinayaa Degmooyinka Maamuka Koofur-Galbeed xili dhowr sano aan wax dalag  la soo saarin iyadoo beeraleyda ay xaalado kala duwan soo wajaheen sida roobab la’aan iyo amni xumo.

Gudoomiyaha Degmada Qansax-dheere ayaa u sheegay idaacada VOA-da  laanteeda afka Soomaaliga inuu ka warbixiyay dhibaatada bini’aadanimo ee ka jirta degmada uu madaxda ka yahay kadib markii uu Baydhaba kaga qeybgalay shir u dhexeeyay Hay’adaha iyo maamulka K/galbeed.

Advertisement

Gudoomiyaha wuxuu xusay in dadka degmada Qansaxdheere oo xaalad bini’aadanimo ay soo wajahaday inay hadana soo gaareen barakacayaal abaaro ka soo hayaamay,wuxuuna soo jeediyay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka degmadaasi iyo guud ahaan deegaanada K/galbeed.

“abaaraha hada jira waxay ka dhasheen isbadalka, cimilada, waxsoo saarkii beeraha oo aan jirin iyo go’doominta degmada ee Alshabaab”ayuu yiri Gudoomiyaha Qansadheere

Sidoo kale waxaa isna wareysi siiyay idaacada Wasiirka gar-gaarka iyo maareynta masiibooyinka Maamulka Koofur-Galbeed kaasoo ka warbixiyay shir ay isugu yeereen hay’adaha samafalka ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiirka wuxuu sheegay inay soo gaartay cabasooyin ka imaanayay degmooyin ka tirsan Maamulkooda taaso salka ku haysa xaalad bini’adanimo sida cuna yari, sidaas daraadeedna ay kulan isugu yeereen hay’adaha kala duwan sida gudaha,caalamiga iyo UN-ka.

Kulanka oo uu shir gudoominayay wasiirka arimaha gudaha ahna ku simaha madaxweynaha maamulka K/galbeed ayaa looga hadlay sida uu wasiirku sheegay wax ka qabashada cabashada abaaraha la xiriira ee ka yimid degmooyinka maamulkaani.

Wasiirka wuxuu sheegay in shirka laga soo saray in  ilaa talaadada warbixino sax ah laga soo diyaariyo Degmooyinka abaaraha laga soo sheegay sida Diinsoor,Bardaale,Wala-weyn,Qansaxdheere ,Xudur iyo Buur-hakaba.

Wasiirka wuxuu carabka ku adkeeyay marka warbixinta laga soo diyaariyo kadib inay go’aan qaadan doonaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here