Xilli dowladda Soomaaliya ay dhowaan ku dhawaaqday go’aan adag oo ka dhan ah hubka lagu dhex wato magaalada madaxda dalka, islamarkaana laamaha nabad-gelyada keliya loo oggolyahay haysashada saanadda ciidan ayaa arrintaas ka falceliyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda dowladda qaar kamida.
Wasiirka arrimaha dibedda XFS oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebook ayaa sheegay in Caasimadda Muqdisho iyo dadka ku dhaqaniba ay dareemayaan nabadgalyo iyo dibudhis ballaaran, oo ay sabab u yihiin la dagaallanka Al-shabaab iyo hubkii sharcidarrada ahaa oo la xakameeyay.
Dhanka kale wuxuu intaas ku daray inaan la aqbali karin in la hor istaago qorshaha dowladda ee ku aaddan xakamaynta hubka ” doorasho iyo dastuur ayaan ku ogeyn maalmahaanka hadalkooda, haddana ma hubkii sharci-darrada ahaabaa ?, tani mid soconaysa ma ahan” ayuu yiri wasiir Axmed Macallim Fiqi.
Siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda dowladda ayaa magaalada ku dhex haystay ilaalo aad u hubaysan iyo gaadiid gaashaaman, kuwaas oo intooda badan aan ka tirsanayn 4 ciidan ee xoogagga qalabka sida ee Soomaaliya