Kalluumeysiga sharci-darrada ah ee lagu beegsanayo kalluunka Tuunada ee biyaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadaya daciifnimo weyn oo ka jirta maamulka badda ee dalka.
Warbixin ay soo saartay ENACT ayaa lagu sheegay in Kheyraadka kalluumeysiga hodanka ah ee Soomaaliya, uu wajahayo halis isa soo taraysa oo uga imaanaysa maraakiib shisheeye oo ku hawlan dhaqdhaqaaqyo sharci-darro ah.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in in dhaqdhaqaaqyadan ay Soomaaliya ku weyso qiyaastii illaa $300 milyan sannadkii.
Tuunada Yellowfin, oo ka mid ah kalluunka ugu qiimaha badan ee suuqyada caalamka, ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsadaa sababtoo ah baahidiisa weyn.
Maraakiibta ajnabiga ah, gaar ahaan kuwa Shiinaha, ayaa lagu sheeagay warbixinta inay adeegsadaan farsamooyin wax burburiya sida jariifka hoose iyo isticmaalka boroosooyinka waaweyn ee seines, taasoo xaalufinaysa kaydka kalluunka.
Warbixinta ENACT ayaa tilmaantay in qandaraasyada kalluumeysiga ee aan si fiican loo maareyn iyo daah-furnaan la’aanta maamulka ay sii xumeeyeen dhibaatadan.
Tusaale ahaan, heshiis 2018 ah ayaa u oggolaaday shirkado Shiinees ah inay kalluumaystaan meel 24 mayl-badeed u jirta xeebaha Soomaaliya iyada oo aan si adag loola socon. Dadka dhaleeceeya heshiisyadan ayaa ku dooday in musuqmaasuqa hareeyay ay wiiqeen waaxda kalluumeysiga dalka.