Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Wasiirka Wasaaradda Deegganka iyo Isbadalka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ay kulan kula qaateen magaalada Nairobi Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Danjire Sebastian Groth.
Kulankaan oo ahaa miro dhal ayaa la sheegay in looga wada hadlay xoojinta Iskaashiga labada dal, xal-u-hellidda Arrimaha Isbadalka Cimilada iyo Deegganka.
Kulanka waxaa kaloo looga hadlay xoojinta taageeridda dowladda Jarmalka ee Soomaaliya ee ku qotoma La-qabsiga Isbadalka Cimilada iyo maareynta Deegganka.
Shirka waxaa ka qeybgalay diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda, khuburo Wasaaradda Deegaanka ka tirsan iyo xubno kale..
Dhinaca kale Danjire Jabril Ibrahim Abdulle oo ah dibulumaasi aqoon u leh la Xiriirida Beesha Caalamka ayaa shirar looga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo garab istaaga Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa uu uga Qeyb galay Magaalada Nairobi
Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi Kenya
Tel-0711830393