Israa’iil ayaa fulisay weerarro bahalnimo ah kahor dhaqan-gelinta heshiiska xabbad-joojinta Gaza, kaasi oo ay ku laysay Falastiiniyiin horleh.

Ugu yaraan 87 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 21 carruur ah iyo 25 haween ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiis xabbad-joojin ah oo bilaabmaya Axadda soo socota.

Advertisement

“Qiyaastii 15 carruur ah ayaa maalin kasta lagu waramay in Gaza ay ku soo gaaraan dhaawacyo dagaal oo halisgalin kara noloshooda ,gaar ahaan dhinaca naafanimada,” sidaasi waxaa yiri hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin.

Tan ayaa sidoo kale imaneysa xilli la filayo in maanta golaha wasiirrada Israa’iil ay isugu yimaadaan kulan lagu ansixinayo heshiiska xabbad-joojinta ee Gaza.

Laba kamid ah wasiirrada xukuumadda midigta fog ee xagjirka ah ayaa ku hanjabaya inay iska casilayaan xukuumadda ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu haddii heshiiska xabbad-joojinta Gaza la ansixiyo.

Dagaalka Israa’iil ee Gaza ayaa waxa uu galaaftay ugu yaraan 46,788 halka uu dhaawac ka soo gaaray 110,453 tan iyo October 2023.

Heshiiskan ayaa la filayaa haddii uu si rasmi ah u dhaqan-galo inuu wax badan ka beddeli doono xaaladda Gaza, oo muddooyinkii dambe ay gumaad ka geysaneysay Israa’iil.

Si kastaba, heshiiskan ayaa wejigiisa koowaad ee xabad-joojinta uu ku lug yeelan doona is-dhaafsiga maxaabiista iyo ku soo noqoshada “xasillooni waarta”, iyadoo ujeedadu tahay in la gaaro xabad-joojin rasmi ah.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here