WAXAA QOREY: Ustaad Cabdi Aadan Hoosoow
Talo ku socota Raisul Wasaaraha.
Mudane Raisul Wasaare,
Waxaad tiri, dalka waxaa ka jira;
-Musuqmaasuq iyo daah furnaan, la’aan.
-Tabar dari (waa nala waardiyeeyaa)
-Soomaali kala socota (qaarkood ay go’i rabaan).
-Adeegyo ma bixino (canshuurna waan qaadanaa).
Waa iga su’aale, yaa looga fadhiyaa inay waxaasi wax ka beddelaan?
MA QOFKII SHEEGI LAHAA BAAD TAHAY, MISE QOFKII LOO SHEEGI LAHAA?
Raisul Wasaare, ixtiraam baan kuu hayaa runtii laakiin, middan lagaama qaadan karo, ABSOLUTELY NOT!
Mudane Raisul Wasaare talo walaanimo;
Haa, waxaad Raisul Wasaare qaran u tahay waddan tabcaan ah, oo howl badani hor taalo, lugo badanna aan ku taagneyn, wax badan awalba lama fileyn, duruufaha jira awgood, laakiin wax la sameyn karo ayaa jira, dhowr aan ka tilmaamo oo weliba aad u fudud:
1-Howlaha qaranka farsamo yaqaano u raadso oo rakaabka iska yaree. Xukuumaddada rakaab baa la degay aan waxna soo kordhin.
2-Soomaalida xanaaqsan ha la doono, GEELLEYNIMADA IYO ZERO SUM GAME-ka ka daaya siyaasadda, ereyga walaalow afkiina ha barto. Walaalkaa xitaa haddaad ka guuleysato guul ma aha!
3–Halkaad dhibaatada ka sheegi laheyd, xalka ka sheeg, rajo abuur, kana shaqee, dadkana tus, (ulama jeedo been cad dadka la soo hor istaag), Soomaalida isku day wanaag ah kuguma eedeyn doonaan.
4–Haddii sabab kaa hortaagan inaad wax xaliso ay jirtana, Soomaalida u sheeg, ugu yaraan adiga is baryeel, Soomaalida ha ogaadeen halkey sartu ka qurmeysee.
5-Hadalada xanafta yeelan kara yaree dhanka arimaha dibadda, aflagaaddo waxba sooma kordhiso, qaasatan markaad tabar yar tahay waddan ahaan, dhanka kale, saaxiibbo ayey u baahan tahay Soomaaliya, weliba xilliyada nagu soo aaddan oo welwel badan uu foodda soo yahay. Waxaad tahay Raisul Wasaare, hadalkaaga siduu wax u dhimmi karo ayuu waxna u dheefin karaa. Dadkuna dheef bay rabaan, hadal yaroo xanaaq kaaga soo baxay, adiga uun baa nafis ka helaya ee dalka uma roona.
5-Haddii intaaso dhan markaad sameysey ay waxba kuu toosi waayeen, xal shaqsi ah raadso (taas kuuguma darayee, adiga ka feker).
Fiiro Gaar ah;
Raisul Wasaarow, please;
ADIGA IYO URURDA BULSHADA MARNA SI USKU MID AH HA U HADLINA!
Waxaan rajeynayaa inaad hadalkeyga u aragto uun talo ka timid qof waddankiisa wanaag la raba. Waayo, waxaan ogahay madaxda in ammaanta laga badiyo oo qofkii fekerkiisa oo qayaxan u sheega ay caay u arkaan!
Soomaalida waxay ku MAAHMAAHAAN;
MADDY MEELLY ATHY MOOL TAAWIYAASY, MIJHIMOOGHA QARIYI WAAYANG, MASIIPY ALLY SHEENI MA AHA?
Alley leedahay!
Advertisement