Puntland ayaa ku dhawaaqday in 19,000 oo qoys ay ku barakaceen howlgallada milateri ee ka socda buuraha Calmiskaad, kuwaas oo lagula dagaallamayo kooxda Daacish, oo lagala wareegay degaano badan.
Shir jaraa’id oo ay qabteen wasiirro katirsan Puntland ayaa waxay baaq u direen hay’adaha samafalka iyo beesha caalamka, iyagoo ka codsaday in si degdeg ah loo caawiyo dadka ku barakacay colaadda gobolka Bari.
Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland, Ubax Cabdirashiid Xirsi, ayaa ku baaqday in la keeno gargaar nololeed oo degdeg ah si loo daboolo baahiyaha aasaasiga ah ee qoysaskan.
Geesta kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa ku baaqay in hay’adaha caalamiga ah ay gacan ka geystaan xasillinta deegaanada laga xoreeyay kooxda Daacish.
Dadka ku barakacay colaadda goboka Bari ayaa ahaa dad ku noolaa degaanada ay Daacish ku sugnaayeen, hase ahaatee markii laga saaray ayay dadkan kasoo barakaceen, iyagoo ka cabsi qabay in ay waxyeelo kasoo gaarto howlgalka ay wadaan ciidamada Puntland.