Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddellka Cimilada JFS Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo qaar ka mid ah Khubarada Wasaaradda ayaa kulan la qaatay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson.
Kulanka waxaa lagu gorfeeyay xoojinta wadashaqeynta labada dhinac, Maalgelinta mashaariicda la xiriira horumarinta Deegaanka iyo isbadalka cimilada, la qabsiga iyo u adkeysiga dadka nugul.
Wasiir Bashiir iyo Marwo Kristina Svensson waxay isku raaceen dar-dargalinta Barnaamiyada horumarineed ee uu Bankiga Aduunka ka wado dalkeenna ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan CCDR iyo ka taageeridda Wasaaradda arrimaha la xiriira sharuucda, siyaasaddaha iyo tayaynta shaqaalaha Wasaaradda.
Advertisement