Askari ka tirsanaa ciidamada Kenya oo Alshabaab ay ku qabteen dagaalkii Ceel-Cadde ee Gobolka Geddo Soomaaliya ayaa dowlada Kenta dalab u gudbiyay xili Alshabaab ay soo bandhigeen.
Askarigaan oo galay gacanta Alshabaab sanadkii 2016-kii ayaa Dowlada Kenya ku eedeey in mudadaasi 9 sano ah aysan marna xirir kala sameyn Alshabaab sidii loo sii deyn lahaa.
Wuxuu ka codsaday Dowlada Kenya inay hada dadaal ku bixiso sidii uu qoyskiisa dib ula wadaagi lahaa ,wuxuu carabka ku dhutay inuu nolol adag ku nool yahay mudada uu Alshabaab la joogo
Askarigaan oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Ciise Ibraahim ayaa ka soo jeeda kuna dhashay magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyiga xad beeneedka Kenya halkaasoo ay Somali-Kenyaanku degaan.
Askariga oo ka hadlay taariikhdiisa ayaa xusay inuu dhashay Wajeer sanadkii 1963-kii islamarkaana uu ku biirey ciidamada Kenya 1986-kii,sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka tirsan yahay ka tirsanaa cutubka 9-aad ee saldhigoodu yahay Magaalada Eldoret.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM