Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Danjire Axmed Maxamuud Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Ukraine, Andrii Sybiha.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Advertisement

Wasiir Fiqi ayaa shacabka Ukraine u diray hambalyo ku aaddan nabadda iyo xasilloonida.

Labada mas’uul waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo horumarinta danaha ay wadaagaan.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu hormarinayo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo dhinacyada diblomaasiyadda iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here