Barlamanka Itoobiya ayaa ansixiyay Bayaan hadal hayn badan iyo dooddo ka dhasheen oo la xidhiidha Canshuur cusub oo lagu soo roggayo Hantida maguurtada ah.

Bayaanka ayaa dhigaya in hantida maguurtada ah lagu canshuuro sannad kasta.Waxaana la sheegay in guryaha suuqa qiimaha ay marayaan lagu qiimeyn doono keddibna siddaas lagu canshuuri doono.

Advertisement

Xubno Barlamanka kamid ah ayaa sheegay in Bayaankan sicir bararkii iyo nolashadii adkayd dadka danyarta kusii adkayn doono.Waxay sheegen in si dadban dadka danyarta ah un culaysku fuuli doono.Xildhiban Desalegn ayaa soo jeediyay in mushahaarkii iyo nolashii kale oo dhan la canshuhro, haddana lagu sii socdo un bulshadii.

Bayaanka waxaa lagu xusay in guryaha waxkayar 1Milyan ku qiimeysan in laga dhaafay canshuurta.

Abiye Ahmed, oo xili dooddo hore lasoo jeediyay Bayaankan ka hadlayay ayaa sheegay inaysan jirin nolol bilaash iska ah, qofkii Guri dhistana uu mudan yahay in la canshuuro.
Waxaa Qorey:  Macalinka SoomaaliyeedMay be an image of 2 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here