Wararka laga helaayo Gobolka Bay ayaa sheegaya in Dagaalmayaasha Alshabaab dhexdooda ku dagaalameen duleedka Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulka Koofur-galbeed.

Inkastoo wararka soo baxaya ay sheegayaan inay isku qabteen arimo dhaqaale hadana warar sugan lagama hayo ujeedka ay isku laayeen.

Advertisement

Wararka ku saabsan tirada dagaal-yahanada ay iska dileen dhexdooda ayaa la shegayaa inay ka badan yihiin 30 dagaalame.

Dhanka Alshabaab ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay taasoo ay ku beeninayaan ama ay ku qirayaan wararka sheegaya dagaalka dhexdooda ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here