GAZA (DAYNIILE.COM)-Waxaa aad u soo kordhaya rajada laga qabo guul laga gaaro wada-hadaladii u dhexeeyay Dagaalamayasha Xamaas iyo Yuhuuda iyadoona la soo sheegayo in lagu dhaw yahay heshiis xabad joojin oo ay kala saxiixdaan labadaasi dhinac.

Wada-hadaladaani oo ay wadaan Dalalka Masar,Qatar iyo Mareykanka ayaa dhigaya in labada dhinac maxaabiis is dhaasadaan,xabadana la joojiyo mudo bilo a si loogu gudbo heshiis rasmi ah,sidoo kale heshiisku wuxuu dhigayaa in gar-gaarka bini’aadanimo la  gaarsiiyo shacabka reer Gaza halkaasoo macamuul iyo nafaqo daro intaba laga soo sheegayo.

Advertisement

Dowladaha dhex-dhexaadinaya Israa’iil iyo Xamaas ayaa saxaafada u sheegay in lagu dhaw yahay heshiis xabad joojin ah oo ka dhaqan gala Gaza iyo in la sii daayo la heystayaasha reer Isra’il ee Gaza maxaabiista ku ah.

Heshiiska oo la rajeynayo inuu dhaco saacadaha soo socda ayay dalalka wada-hadalada dhex-dhexaadinaya waxay maanta shaaciyeen inay si dhaw ula socon doonaan hannaanka heshiiskaasi loo hirgelinaayo.

Maaded Al-Ansari oo ah A-hayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Qatar ayaa shalay u sheegay wariyayaasha qaar ka mid ah qodobada heshiiska lagu wareejioyay Israa’iil iyo Xamaas walow aaney qalinka ku duugan labada dhinac heshiiska oo dhameystiran.

Sida ka muuqata war dhanka Xamaas laga helay oo ah inaaneey wali helin qar

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa warbaahinta gaar ahaan  Reuters mar uu la hadlayay shuruud ku xirey ugu danbeyn qalinka inay ku duugaan heshiiska inay ku xiran tahay in Isra’il soo gudbiso khariirad muujineysa qaabka ay uga baxayaan Gaza.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here