LOS-ANGELES (DAYNIILE.COM)-Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Los Angeles  ee Dalka Mareykanka ayaa sheegaya inay sii kordhayaan khasaaraha dhimashada dadka uu saameeyay dabka halkaasi ka holcaya mudo asbuuc ah kaasoo galaatay quruxdii magaaladaasi iyo hantidii.

Tira koobkii ugu dambeeyay dadka ku dhintay dabkan ayaa lagu sheegay 24 ruux halka 23 qof weli la la’ayahay

Advertisement

Wararka ugu dambeeya waxay sidoo kale sheegayaa in saynisyahanadu saadaaliyeen in dabeylo hor leh la ilayo kuwaasoo sii kordhin kara dabka ka sii hol-caya magaalada Los Angeles.

Sadaashaan ayaa ku soo aadeysa xili dowlada Mareykanku la daala dhaceysay bakhtiijinta dabka oo ay hada quus ka taagan tahay.

Dabka ayaa weli ka socda saddex qeybood oo kamid ah magaalada dabka kan ugu xooggan ayaa ka socda xaaada Palisades oo ka tirsan magaalada Los Angeles, wuxuna galaatay 23,000 oo hekar.

Inta badan dadka dunida ku nool gaar ahaan Muslimiinta ayaa aaminsan in debka ka sii hol-caya magaalada Los Angeles ay tahay masiibo xaga Rabi kaga timid madaama xasuuqa joogtada ah iyo burburka reer Gaza ka taagan uu Mareykanku masuul ka yahay sidaas daraadeed ay tahay masiibo looga jarayo xag Alle dhibaatada joogtada ah ee reer Gaza lagu hayo iyadoo hal sano la xasuuqay 40kun shacab ah oo aan waxba galabsan xili dadaal kasta oo lagu raadiyo joojinta colaadaasi uu hor taagan yahay Mareykanka.

Dhanka kale wararka la yaab leh ee shalay laga diiwaan geliyay magaalada holceysa ee Los Angeles ayaa sheegaya in la xirey 9 ruux oo ku kacay falal bililiqo ah iyo waliba kuwo si ula kac ah dab u qabadsiiyay  hanti dad shacaba lahaayeen kuwaasoo dhamaantod baraha bulshada la soo dhigay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here