Muqdisho, 14 January 2025: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta xarunta Wasaaradda Warfaafinta kulan gaar ah kula yeeshay maamulka Jaamacadda Muqdisho oo uu horkacayo Guddoomiyaha Jaamacadda Dr. Ibraahim Maxamed Mursal.
Wasiirka ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Maamulka Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho ayaa isku afgartay in ay bilaabaan iskaashi wada shaqeyn oo lagu hormarinayo dhinacyada horumarinta warbaahinta, dhaqanka, dalxiiska iyo wacyigelinta bulshada.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac iyo Guddoomiye Ibraahim Maxamed Mursal oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa soo bandhigay qodobada ay isla garteen iyo muhiimadda uu leeyahay iskaashiga Wasaaradda iyo Jaamacadda.May be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of 6 people, lighting, table and dais
May be an image of 2 people, beard and suitMay be an image of 5 people and tableMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, beard, suit and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 3 people, beard, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here