Dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka California waxaa weli ka holcaya dab xooggan oo dhulka la simay kumanaan guri oo ku yaalla magaalada Los Angeles iyo hareeraheeda, waxaana illaa hadda musiibadan u taag la’ kooxaha gurmadka degdegga ah iyo dab-damiska Mareykanka.

Waxyeellada dhimasho ee uu dabkani sababay ayaa hadda maraysa ugu yaraan 24 qof sida uu sheegay guddoomiyaha California Gavin Newsom, kaas oo tilmaamay in dhacdadani ay noqon karto masiibadii dabiiciga ahayd ee ugu xumayd taariikhda Maraykanka.

Advertisement

Ilaa 100,000 oo qof ayaa la daadgureeyay aagga uu dalku ka ololayo, dabaylaha loo yaqaanno Santa Ana, ayaana gacan ka geysanaya in dabku uu ku sii fido meelo cusub oo ka tirsan magaalada Los Angeles iyo agagaarkeeda

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here