SEOUL (DAYNIILE.COM)-Dowlada Koofurta kuuriya ee caasimadoodu tahay Seoul ayaa sheegtay in 300 oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ah lagu dilay dagaalka Ukraine sidoo kalana looga dhaawacay 2,700 askari.
Hay’adda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed waxay sheegtay in Khasaaraha soo gaaray Kuuriyada Waqooyi ay kor u dhaaftay 3,000′ xili ay caawinayaan Ruushka oo dagaal kula jira Ukraine.
Ciidamada Waqooyiga Kuuriya ee loo dirayo Ruushka ayaa laga howlgeliyay gobolka Kursk ee Dalka Ruushka , waxaana kor u sii kacaya khasaaraha nafeed ee soo gaaraya kuuriyada Waqooyi.
Dhanka kale Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa saxaaada u sheegay inay nolosha ku qabteen 2 askari oo ka soo jeeda dalka Waqooyiga kuuriya, balse wali wax jawaaba kama soo bixin dhanka kuuriyada Waqooyi iyo Ruushkaba kaasoo ay ku beeninayaan
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM