Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka oo is kaashanaya ayaa fiidnimadii hore ee Xalay howlgal qorsheysnaa oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay gudaha magaalada Camaara ee gobolka Mudug.
Guddoomiyaha degmada Baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay horjoogahii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug iyo xubno kale.
“Howlgalka wuxuu ahaa mid lagu beegsaday guryo ku yaala gudaha magaalada Camaara, waxaana lagu dilay horjoogahii Khawarijta ee gobolka Mudug iyo horjoogahii Canshuuraha ee Khawaarijta, kan Maxkamadaha iyo maleshiyaad kale waxaana tirada guud ee laga dilay Khawarijta ee la xaqijjiyay ay gaareysa 7 dhagar qabe wayna kasii badan karta intaas, maadama howlgalku dhacay xili habeen ah” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse.
Guddoomiyaha degmada Baxdo ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu beegsaday fariisimaha kooxdu ku laheyd Camaara inuu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaana ciidamada iskaashanaya ay doonayaan iney si buuxdo ula wareegaan magaalada Camaara.
Ugu dambeyntii xaaladda Camaara iyo deegaanada ku dhadhaw ayaa lasoo warinaya in wali tahay mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan haatan laga dareemayaa magaalada Camaara ee dhacda koonfurta gobolka Mudug iyo deegaanada ku teedsan oo laga cabsi qabo in markale suuragal tahay in halkaas uu dagaal dib uga qarxo.