Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen madaxda ka tirsan dowladda dalkaasi.
Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa ah ka qeyb-gallka shirweyne ku saabsan hormarinta beeraha oo madaxda qaaraddu Afrika ay isugu imaan doonaan, sidoo kale waxaa la filayaa inuu wada-hadallo gaar ah la yeelan doono dhiggiisa dalkaas yoweri moseveni.
Advertisement
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu madaxweynuhu safarka Uganda ka dib tagi doono caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo ay ku kulmi doonaan Ra’iisul wasaaraha dalkaas si loo sii ambaqaado heshiiskii Ankara.
Advertisement