Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Muqdisho ayaa bilaabay howlgallo ballaaran oo ka dhan ah burcadda iyo kooxaha falalka amni-darro ka wada caasimadda.

Howlgalladan oo lagu fuliyay iskaashi ka dhexeeya Hay’adda Amniga Gobolka Banaadir iyo shacabka magaalada ayaa lagu soo qabtay 23 eedeysane oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal ay ka mid yihiin dil, dhaawac, dhac dadweyne, iyo ka ganacsi maandooriye.

Advertisement

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in eedeysanayaasha la horkeeni doono sharciga si ay u wajahayaan caddaaladda.

Waxaa kaloo ay sheegeen in howlgallada ay sii wadi doonaan ilaa magaalada laga ciribtiro kooxaha ka wadda Amni darada.

Kooxda Ciidanka Booliska ay soo qabteen waxaa ku jira haween ka qeyb ka ahaa falalka Amni daro.

Talaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu adkaynayo nabadgelyada iyo ka hortagga dambiyada ka dhanka ah bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku boorisay shacabka inay si dhaw ula shaqeeyaan ciidanka amniga.

Tallaabooyinkan ayaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo amniga caasimadda iyo in la dhiso kalsoonida shacabka iyo ciidanka booliska si loo yareeyo falalka dambiyada.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here