ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Masuuliyiin ka socda Dowlada Somalia ayaa gaaray Magaalada Adis-ababa ee xarunta Dalka Itoobiya kuwaasoo horu dhac u ah Wafdi Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh uu hogaaminayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta qorshuhu yahay inuu gaaro Magaalada Adis-abaa ee xarunta Dalka  Itoobiya.
Labada Dal waxaa lagu wadaa inay ka wada hadlaan dhameystirka heshiiskii Ankara oo dhigayay in Dowlada Itoobiya ay Dekadaha Somalia kala soo degto badeecadaha ay u baahan yihiin si waaaqsan shuruucda ganacsi ee dunida yaal.
Sidoo kale waxaa la hadal hayaa inay ka wada xaajoon doonaa sida laga yeelayo Ciidamada Itoobiya ee Somalia ku sugan xili sanadkaan la badalaayo howlgalkii hore ee Atmis loona badalayo AUSSOM.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here