ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Kumanaan dhalinyaro Itoobiyaan ah ayaa la soo sheegayaa in Dowladu u sameysay barnaamij shaqo abuur ah si loo yareeyo tahriibka badan ee dhalinyaradu badaha ugu daadanayaan.
lixdii bilood ee la soo dhaafay waxaa shaqo abuur loo sameeyay 35,000 dhalinyaro Itoobiyan kuwaasoo qaadanaya 2,000 dolar oo mushahaar ah.
“Si tahriibka looga taxadaro kaliya lixdii bilood ee tagay 35,000 dhalinyaro ah oo Itoobiyan ah ayaa loo abuuray fursado shaqo oo ay ku qaadanayaan 2,000 dolar iyo lacago ka badan oo mushahaar ah.Iyagoo Itoobiya jooga ayay billaaben inay ka hawlgallaan shirkado kala duwan oo Yurub ku yaalla.” ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed
Abiye Ahmed ayaa hadaladaasi ka sheegay shalay Munasabad suuq cusub lagu daah-furay.
Dhanka kale Soomaali Itoobiyaanka qaarkood ayaa ku eedeeyay Dowlada Abiye Axmed waxa shaqada la siiyay ay dhamaantood yihiin reerkiisa oo kaliya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM