KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Warar hoose oo laga helaayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa 1-aad Maxamuud Sayid Aadan ay qorsheynayaan ama diyaarinayaan ciidamo beeleedyo si ay ugu qabsadaan Degmooyinka Gobolka Geedo gaar ahaan kuwa gacanta Dowlada ku jira.

Magaalooyinka Balad-xaawo, Baar-dheere iyo Dooloow ayaa la soo sheegayaa inay ka wadaan abaabulo isku aadin ciidan iyo agabkii ay isticmaali lahaayeen sida hubka iyo saadka.

Advertisement

Qorshaha ay masuuliyiintaan wadaan ayaa ah inay si buuxda gacantooda u soo geliyaan magaalooyinka ay Dowladu hada sida buuxda u maamusho ama laga taageersan yahay sida Garbahaarey oo ah xarunta Maamulka Gobolka Geddo halkaasoo uu bishaan iyo bishii ka horeysayba uu ku sugnaa Wasiirka Amniga Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo kuwaasoo lafgtigoodu wadaan abaabulo bulsho si Dowladu u hantiso quluubta reer Geddo oo dhan.

Qorshayaasha labada dhinac waxaa ka dhalan kara dagaalo iyo barakac bulsho lamana saadaalin karo dhanka ku guuleysan kara.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here