BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida Gobolka Hiiraan Dhame Cismaan Cabdi waasuge ayaa saxaafada u sheegay inay maanta qaadeen isbaarooyin badan oo maleeshiya beeleedyo ay si sharci daro ah u dhigteen.

Ciidamo uu hogaaminayay Taliyahaan oo watay gaadiid dagaal ayaa maanta howlalkooda ka fuliyay inta u dhexeysa Baladweyne iyo Matabaan halkaasoo ay yaaleen isbaarooyin ka badnaa dhowr iyo toban.

Advertisement

“howlgalka isbaara qaadka waxaan ka soo bilownay Baladweyne waxaana ku geynay Matabaan, waxaana qaadnay 16 isbaaro oo sharci daro loo dhigtay, iyadoo goobahaasi haweebkana lagu kufsanayay sidoo kale gaadiidka lacago baada looga qaadan jirey”ayuu yiri Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida Gobolka Hiiraan Dhame Cismaan Cabdi waasuge.

Hadaba halkaan ka daawo muuqaalka howlgalka ciidamada ay sameeyeen:-

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here