Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay u Taagan tahay Xubinimada Guddiga Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika (2025–2028)

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday musharaxnimadeeda xubinimada Guddiga Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika (AU PSC) muddada 2025–2028.

Advertisement

Tani waa tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u oggolaaneysa inay kaalin hoggaamineed ku yeelato ajendaha nabadda iyo amniga Afrika, iyadoo muujineysa isbeddelka waayaha taariikhiga ah ee dalku soo maray iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta himilada wadajirka ah ee qaaradda.

Soomaaliya, oo in ka badan 17 sano martigelineysay Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM/ATMIS), waxay noqotay tusaale ku dayasho mudan oo muujinaya xalalka ay Afrika u raadsato dhibaatooyinka ka jira gudaha qaaradda. Dalka ayaa u tallaabay dhinacyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin cafinta deymaha, ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (2025–2026), iyo xubinimada uu ka helay Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Waxyaabahan oo idil waxay muujinayaan doorka Soomaaliya ee ku saleysan hoggaaminta iyo horumarinta himilada Afrika.

“Soomaaliya waxay ku dhiirran tahay inay ka qeybqaadato Guddiga Nabadda iyo Amniga iyadoo ay ujeeddadeedu tahay xoojinta nabadda iyo xasilloonida qaaradda. Waxaana dalka ka go’an in uu khibradihiisa la wadaago si loo hagaajiyo dadaallada nabad ilaalinta, wax looga qabto sababaha keena khilaafaadka, lana xaqiijiyo isbeddelo waara oo ku aaddan amniga iyo horumarinta qaaradda” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Musharaxnimadan ayaa sidoo kale ah fursad lagu xaqiijinayo matalaadda caddaaladda ku dhisan, maadaama Soomaaliya aysan weligeed ka mid noqon Guddiga Nabadda iyo Amniga tan iyo markii la aasaasay 2004.

Soomaaliya waxay rumeysan tahay in isbahaysiga iyo wadajirka ay yihiin furaha mustaqbalka ifaya ee Afrika, iyadoo diiradda la saarayo wadajirka, adkeysiga, iyo horumarka wadaagga ah ee horseedaya Afrika oo nabad iyo barwaaqo ku wada nool.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here