MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa dib nolol loogu helay Kaluumeysato Soomaaliyeed oo lagu weysnaa mudo bil ah biyaha badweynta Hindiya iyaga iyo doomankii ay ku dooneen Kauunka.
Kaluumeysataan Soomaaliyeed oo tiradooda lagu sheegay 11 ruux ayaa siyaabo kala duwan waxaa looga halay ilaa sedex dal iyagoo bad qaba oo aan wax dhibaato soo gaarin.
Dalalka laga helay kaluumeysataan ayaa lagu kala sheegay Maldeves ,Sri Lanka iyo Singapore, xili in ka badan 30 maalin ka hor ay ka baxeen xeebaha Muqdisho.
Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumeysiga Dan-kulmis ee magaalada Muqdisho Kamal Maki Aweys oo wareysi siiyay idaacada VOA-da laanteeda aka Soomaaliga ayaa sheegay doomanka la waayay ay dhamaayeen 4 midkoodna dalka gudihiisa laga helay gaar ahaan xeebaha Caddalle halkaasoo siduu sheegay looga gurmaday,waxayna isticmaashay shiraac sidaasna ayayna ku soo gaartay Magaalada Muqdisho.
Kamal Maki Aweys wuxuu intaasi ku daray mida laga helay Dalka Singapore inuu bad-baadiyay Markab ku socdaalyay bad-weynta Hindiya,waxaana saarnaa 2 ruux sida uu sheegay.
Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumeysiga Dan-kulmis wuxuu sidoo kale sheegay in mida laga helay Dalka Maldeves inay saarnaayeen sedex ruux ay bad qabaan dhamaantood,
Doonta -4aad oo ay saarnaayeen 3 uux wuxuu sheegay in laga helay Dalka Sri Lanka mid ka mida ayana isbitaal la dhigay madaama ay mudo bada dusheesha dul sabeynayeen xili sahaydana ay ka go’day.
“Dowlada Somalia ayaa naga saacida sidii kaluumeysatada dalkooda hooyo loogu soo celin lahaa ,hadey tahay dhaqaalaha iyo baasaboorada dalkaas ay uga soo dhooi lahaayeen”ayuu yiri Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumeysiga Dan-kulmis ee magaalada Muqdisho Kamal Maki Aweys
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM