MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya xiisad ka dhex taagan Xildhibaanada iyo Madaxda Dowlada Somalia kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Dowladu si gaar ah ugu xirtay ganacsade ajanabi ah dhoofka xoolaha nool ee Somalia kuwaasoo loo iib-geeyo dalalka carabta sida Sucuudiga oo kale.
Xildhibaano is urursaday oo la sheegay inay 100 gaarayaan ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshahaan iyagoo warsaxaaadeed wada-jir ahna ka soo saaray talaabada Dowladu qaaday.
Sidoo kale talaabada Dowlada waxaa si weyn uga hor yimid Gabacsatadii Soomaaliyeed ee hore uga shaqeysan jirey hoofka xooolaha Soomaaliyeed.
Xildhibaanada oo labada aqal isugu jira ayaa cambaareeyay talaabada Dowlada iyagoona muujiyay sida ay uga xun yihiin una diidan yihiin in ajanabi loo xiro ganacsi Soomaalidu leedahay.
Xildhibaanadu waxay ku hanjabeen inay talaabo qaadi doonaan hadii aaney Dowladu ka laaban go’aankaani oo sida ay sheegeen wiiqi karta ganacsigii Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM